Wasiiradda caafimaadka oo sheegtay in la wanaajiyay adeegyada isbitaalka KNH

0
161

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in adeegyada laga bixiyo isbitaalka qaran ee Kenyatta ee ismaamulka Nairobi la wanaajiyay.
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu jiro qorsho dowladeed oo howlahan lagu sii ballaarin doono.
Nakhumicha ayaa xilli ay kormeer ku tagtay isbitaalka KNH sheegtay in ujeeddada laga leeyahay isbeddellada la dhaqan gelinaya ay yihiin xaqiijinta in bukaannada ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.