Wasiiradda caafimaadka oo ka hadashay fadeexaddii KEMSA

0
205

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in maro kaneecooyin aan xilligii loogu talagalay laga soo iibsan shirkadda Global Fund ay dowladdu ku lumisay lacag dhan 63.7 milyan oo shilin una dhiganta 455,000 oo doolar.
Arrintan ayay sheegtay xilli ay wasiiradda ka soo hormuuqatay guddiga caafimaadka ee baarlamaanka.
Nakhumicha ayaa hoosta ka xarriiqday in tani aynan dhici lahayn haddii wasaaradda caafimaadka ay howlaha soo iibsashada agabkan ay xilli hore guda geli lahayd.
Wasiiradda ayaa sheegtay in marar badan lagu andacoodo inuunan jirin wax khasaare ah oo arrinkan dalka ka soo gaaray balse uu dhab ahaan khasaare jiro maadaama la maalgeliyay xayeysiinta qandaraaska iyo qiimeyntiisa sidoo kalena uu waqti ku lumay geeddisocodkan.
Khasaaraha ayay ku sheegtay in Kenya aynan helin faa’iidadii ugu jirtay qandaraaskan oo ah boqolkiiba 2.
Haddii aan laga dib dhicin qandaraaska waxay shirkadda Global Fund bixin lahayd 10.2 milyan oo maro kaneeco ah inta u dhexeysa bisha 11-aad ee sanadkan ilaa bisha Toddobaad ee sanadkan 2024-ka.
Sidoo kale waxay tilmaantay in qandaraaska isbeddel lagu sameeyay maadaama aynan ku heshiin wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo shirkadda Global Fund gaar ahaan shuruudo la xiriiray sida wadanka lagu keenaya maro kaneecada taasoo sababtay in wasaaradda ay dib u eegis guda gasho balse uu ka dhacay waqtigii qandaraaska.
Waxay qirtay in shirkadda ay ogaatay dulduleellada geeddisocodka soo iibinta agabkan in kastoo ay shaacisay in bisha 11-aad ee sanadkan uu jiri doono olole lagu qaybinaya maro kaneeco ku filan shacabka.
Fadeexaddii la soo tabiyay ayaa sababtay in la kala diro guddigii maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA , waxaana shaqada laga joojiyay madaxii fulinta iyo guddoomiyihii KEMSA iyo xoghayihii joogtada ahayd ee caafimaadka dadweynaha iyo xaqiijinta halbeegyada Josephine Mburu.