Wasiiradda caafimaadka oo baaq u dirtay kenyaanka

0
305

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa kenyaanka iyo shakhsiyaadka ka dalbanaya inay xafiiska banneyso ka codsatay inay siiyaan fursad dheeraad ah oo ay ku sifeyn karto musuqmaasuq saameeyay maamulka KEMSA.
Maamulkan ayaa qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad waxaana dhawaan soo ifbaxday fadeexad la rumeysan yahay in lagu lunsaday 3.7 bilyan oo shilin.
Wasiiradda ayaa baaqan jeedisay xilli ay ka jawaabaysay hadal uu jeediyay madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga oo dalbaday inay mas’uuliyad muujiso oo ay xafiiska banneyso.
Nakhumicha ayaa sheegtay inay qaadday tallaabo degdeg ah ka dib markii ay guddoontay warbixinta hay’adda Global Fund oo tuhun gelisay geeddisocodka hannaanka soo iibinta agabka ee KEMSA gaar ahaan maro kaneeco la doonayay inay kenyaan badan ka faa’iidaan.
Waxay sheegtay inay islamarkiiba arrintan ku wargelisay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC), iyadoo codsanaysa in baaritaan la sameeyo.
Wasiiradda ayaa xustay inaynan marnaba ka gaabin doonin in tallaabo laga qaado qaar ka mid ah saraakiisha sare ee wasaaradda caafimaadka iyo maamulka KEMSA oo ay ku eedeynaysa inay caqabad ku noqdeen dadaaladeeda.