Wasiirada Difaaca ee dalka oo ka tacsiyadaysay shil ay ku dhinteen labo duuliye oo ka tirsanaa Ciidamada Cirka

0
188

Wasiirada wasaarada Difaaca ee Kenya Soipan Tuya ayaa ka tacsiyadaysay geerida ku timid laba duuliye oo ka tirsan ciidamada cirka Kenya kuwaas oo ku dhintay shil diyaaradeed oo Sabtidii ka dhacay ismaamulka Kwale.
Dhambaalka tacsida ah ee ay u dirtay qoysaska ay ka baxeen labadaas sarkaal , Tuya waxay ku tilmaantay labada duuliye inay ahaayeen saraakiil geesinimo leh oo naftooda u huray gudashada waajibaadkooda shaqo.
Sida lagu sheegay war-murtiyeedka rasmiga ah, diyaaradda oo nooceedu ahayd Grob 120A waxay la kulantay xaalad degdeg ah iyadoo ku guda jirta duulimaadka tababarka caadiga ah, waxayna ku burburtay aagga dugsiga hoose ee Mwakijembe, ee tuulada Mafundani iyadoo Labada duuliye ee diyaaradda ay ku geeriyoodeen isla goobtaas uu shilka ka dhacay.
Ciidamada difaaca ee Kenya (KDF) waxay shacabka u xaqiijiyeen inuu socdo baaritaan dhab ah oo lagu ogaanayo waxa sababay burburka diyaaradda.