Wasiirad ka tirsan dowladda Uganda oo musuqmaasuq loo maxkamadeynaya

0
286

Waxaa maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ee magaalada Kololo la soo taagay wasiirradda arrimaha gobolka Karamoja ee dalka Uganda Mary Goretti Kitutu.
Haweeneydan ayaa loo haystaa inay dhan kale u weecisay saqafyo loogu tala galay barnaamijka awoodsiinta bulshada Karamoja.
Haweeneydan oo 61 sano jir ah ayaa labo cishe xabsi ku jirtay waxayna raaligelin ka bixisay qaladka ay sameysay.