Wasiir Ruku oo Uhuru ku eedeeyay kicinta dadweynaha

0
423

Wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadweynaha, Horumarinta Raasamaalka iyo Barnaamijyada Gaarka ah, Geoffrey Ruku, ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta inuu dadka Kenyaanka ah ku kicinayo maamulka hadda jira.
Ruku oo ka hadlayay madasha waxbarashada iyo is dhexgalka bulshada ee deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu ayaa sheegay in iyadoo hoggaamiyihii hore ee qaranka uu dastuuriyan u fasaxay in uu fikirkiisa dhiibto, isla markaana uu talo u soo jeediyo madaxweynaha xilka haya, haddana uu ka waantoobo inuu ku lug yeesho siyaasad firfircoon iyo mid xisbi.
Wasiirka ayaa waxaa uu qiray wax yaabihii u qabsoomay xukuumadii madaxweyne Uhuru tobonkii sano oo uu xilka hayay balse waxaa uu ku booriyay in uu ku daydo madaxdii isaga ka horeeyay ee Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki iyo inuu ixtiraamo sharafta xafiiska madaxweynaha.