Wasiir Ruku oo u xaqiijiyay dadka Tana River in dowladda ay garab taagan tahay xilli abaartu sii xoogaysanayso

0
366

Wasiirka Adeegga Dadweynaha, Geoffrey Ruku, ayaa u xaqiijiyay dadka ku nool ismaamulka Tana River in dowladda ay garab taagan tahay qoysaska ay saameeyeen abaarta sii xoogaysanaysa, si ay dib ugu soo kabtaan uguna laabtaan nolol caadi ah. Waxaa uu hadalkan sheegay xilli uu kormeerayay qaybinta gargaar raashin ah oo lagu caawinayo qoysaska ay saameeyeen abaarta iyo fatahaadaha Tana Delta.
Ruku ayaa sheegay in ugu yaraan 180 qoys oo ku barakacay fatahaadaha iyo abaarta lagu taageerayo gargaar degdeg ah, maadaama abaarta ay sii adkaysay xaaladda bani’aadannimo ee gobolka, isla markaana ay keentay cunto yari iyo biyo la’aan baahsan.
Intii uu booqashada ku jiray, wasiirka ayaa waxaa uu indha indheeyay xaaladda biyo xireennada, balliyada biyaha iyo webiyada xilliyeedka ee Konane, Tana Delta iyo deegaannada Garsen, kuwaas oo qalalay. Waxaa uu arkay saameynta daran ee biyo yaraanta ku yeelatay dadka iyo xoolaha, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo faragelin degdeg ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Tana River ay ka mid yihiin caqabad qaran oo ballaaran, iyadoo in ka badan 23 ismaamul ay wajahaan abaar, halka ku dhowaad 2.3 milyan oo qof ay la tacaalayaan cunto yari. Waxaa uu intaas ku daray in dowladda ay kordhinayso gargaarka degdegga ah iyo maalgelinta xalal waara si loo xoojiyo adkeysiga bulshooyinka mustaqbalka.