Wasiir Owalo oo sheegay in shacabka Nyanza ay 2027-da taageeri doonaan Ruto

0
167

Wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo dhijitaalka casriga ah ee dalka Eliud Owalo ayaa sheegay in shacabka ku nool gobolka Nyanza ay diyaar u yihiin inay sanadka 2027-da taageeraan madaxweyne William Ruto.
Owalo ayaa sheegay in gobolkaasi uu mashaariic badan ka faa’iiday dowladda dhexe.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadweynaha Nyanza ay u riyaaqeen in shakhsiyaad gobolkaasi ka soo jeedo xilal looga magacaabay maamulka Kenya Kwanza.
Wasiirka ayaa xusay in hadda iyo mustaqbalkaba ay garab siin doonaan madaxweynaha dalka maadaama sida uu hadalka u dhigay uu u muujiyay inay ka go’an tahay horumarinta gobolkaasi.