Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo saamileyda kale ee tacliinta ku boorriyay in ay yareeyaan hadal haynta iyo doodaha ku aaddan lacagaha ay dowladdu siiso dugsiyada.
Waxaa uu soo jeediyay in aan loo baahnayn in bulshada si gaar ah waalidiinta walaac lagu abuuro.
Ogamba ayaa caddeeyay in wasaaradda tacliinta aynan soo jeedin mise aynan dhaqangelin yareynta lacagaha dugsiyada sida lagu andacoonaya.
Waxaa uu wasiirka xusay in uunan jirin qof sheegay in lacagta hadda loo qoondeeyo arday kasta oo ah 22,000 oo shilin laga dhigi doono 16,000.
Ogamba ayaa carrabka ku adkeeyay in isaga uunan sidaasi oran sidoo kalena aan laga hayn dhiggiisa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Mr. John Mbadi.