Wasiir Murkomen oo dhaliil u jeediyay maamulka IPOA

0
224

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ku dhaliilay inuu soo saaray warbixin aan dhameystirnayn oo ka dhan ah booliiska iyo qaabkii ay ula tacaaleen dibadbaxyadii sanadkan dhacay.
Murkomen ayaa difaacay adeegsiga hubka iyo awoodda ee booliiska.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiisha ammaanka ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay is difaacaan , inay difaacaan shacabka iyo sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah si looga badbaadiyo waxa uu ku tilmaamay weerarrada qaswadayaasha.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii maamulka IPOA uu warbixin ku sheegay in ay jireen saraakiil aan muujin aqoonsigooda markii ay ka falcelinayeen mudaaharaadyada .
IPOA waxay intaasi ku dartay in ciidamada ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah sidoo kalena ay jireen baabuur taargadoodu la qariyay.
Maamulkan ayaa warbixintiisa ku xusay in booliiska aynan wax tallaabo ah ka qaadin dad dhib gaysanayay oo ku dhex milmay dibadbaxayaasha.
Hasa ahaate, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa su’aal geliyay sababta uunan maamulkan u qiimeyn baaxadda rabshadihii lagu gubay qaar ka mid ah saldhigyada booliiska.
Arrintan ayuu ka sheegay madal amni oo lagu qabtay ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley.