Wasiir Mukhtaar Roobow oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

0
329

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Huteel Xayaat ee Magaalada Muqdisho iyo weerarrada kale oo ay ka gaystaan Soomaaliya.
Muqtaar Rooboow oo ay garab fadhiyeen qaar ka mid ah Culimada Muqdisho ayaa sheegay inay tahay wax aad looga xumaado dhibaatada ay guud ahaan dalka Soomaaliya ka gaysanayaan Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in aysan ahayn wax Diin ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda iyo Culimadooda ay wajihi doonaan Al-Shabaab, Islamarkaana taasi ay keeni doonto in kooxdan fursad u waayaan weerarrada ay gaysanayaan.
“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuullo iyo Jaamacado ayay Xamar ka dhigtaan ama adduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yaysan been idin sheegin ayuu yiri” Mukhtaar Rooboow.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa sheegay in qof walba laga rabo in uu difaacdo naftiisa iyo Malkiisa, sidoo kalena loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab sida ay ugu midoobeen dadka deggan Hiiraan iyo Galmudug oo la dagaalamay.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Muqdisho uu ka dhacay weerar ay gaysteen Al-Shabaab, kaas oo in la soo afjaro ay dowladda ku qaadatay in ka badan 30 saacadood.