Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ku baaqay in sare loo qaado dadaallada lagula tacaalaya hubka sharci darrada ah ee ku jiro gacanta rayidka aan loo sharciyeyn.
Tani ayuu sheegay in ay door wayn ka qaadan karto ka hor tagga khatarrada amni ee uu gobolku wajahaya.
Kindiki ayaa maanta xusay in gudbinta hubka fudud ay weli sii hurinaysa colaadaha, rabshadaha iyo xasillooni darrada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay carqaladeynaysa maamul wanaagga sidoo kalena ay caqabad ku tahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamo badan oo ka tirsan gobolka.
Wasiirka ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay awood u leedahay in ay sameyso horumar warshadeed balse gidaarka la doonaya in la dumiyo uu yahay amni darro .
Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa arrintan sheegay xilli ay maanta hoggaanka la kala wareegayeen mas’uuliyiinta xarunta gobolka ee la tacaalidda hubka fudud ee (RECSA).
Waxaa xilka xoghayaha fulinta ee xaruntan la wareegay Jean Pierre Betindji waxaana horay u hayay General Badreldin Abdelgadir oo ka soo jeedo dalka Suudaan.
Baaqa wasiir Kindiki ayaa ku soo aadaya xilli dhowr waddan oo ka tirsan qaaradda Afrika sida Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya , Mali iyo Burkina Faso ay la daala dhacayaan isku dhacyo iyo xasillooni darro siyaasadeed.