Wasiir ka tirsan golaha dagaallada ee Israa’iil oo ku hanjabay in uu is casilaya

0
416

Benny Gantz oo xubin ka ah golaha wasiirrada Israa’iil u qaabilsan dagaallada ayaa ku goodiyay inuu is casili doono .
Waxaa uu xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbaday in ay ugu dambeyn 8-da bisha 6-aad ee sanadkan soo bandhigto qorshaheeda ku aaddan marka laga gudbo duullaanka militari ee Qaza.
Gantz ayaa wacad ku maray in haddii arrinkan laga gaabiyo, in uunan jagadiisa sii hayn doonin.