Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho berri oo Khamiis ah uu ka dhaci doono bannaanbax weyn oo lagu muujinaayo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee kaga aadan heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.
Waxaa uu sheegay in tallaabada guracan ee Itoobiya inay ka weyn tahay heshiis, isagoona tilmaamay in Kaniisadaha iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaasi ay ka socdaan diyaar garoow ay ku doonayaan boobka ay ka damacsan tahay dowladda Itoobiya dhulka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa dalbaday in Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay Caalamka ka joogaan inay ka dhiidhiyaan damaca guracan ee xadgudubka ku ah dhulka Soomaaliyeed oo ay ku howlan tahay dowladda Itoobiya.
“Waad arkayseen Kaniisadaha Itoobiya oo leh Saylac aan qof u magacaabano, arrintan way ka wayn tahay heshiis oo waxa ay taabanaysaa Diin, Dal iyo Dad, waa in aan maalinta khamiista ee 11-ka bishan isu soo baxno oo aan muujino dareenkeenna, waa in aan la yaraysan damaca Abiy ee ku hadaaqi jiray oo ah inuu samaysto bad oo ay xaq u leeyihiin in ay bad helaan” ayuu yiri wasiir Axmad Fiqi.
Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay bannaanbax ka dhan ah damaca guracan ee Itoobiya ay ku doonayso inay ku qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Wasiir Fiqi “Kaniisadaha dalka Itoobiya iyo qaybo kale waxaa ka socda diyaargarowga...