Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa shaaciyay in seeraha Uhuru Park iyo Central Park ee magaalada Nairobi aan lagu qaban karin isku soo baxyo siyaasadeed.
Tani ayaa timid ka dib heshiis ay wada gaareen dowladda dhexe iyo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aal uu waydiiyay senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna oo dalbaday in faahfaahin laga bixiyo in ciidamada difaaca dalka ee KDF ay dhameystireen dayactir ay ka sameynayeen Uhuru Park.
Wasiirka ayaa sheegay in howshaasi la soo gabagabeeyay.
Waxaa uu xusay in ay jiraan waxyaabo weli gacanta lagu hayo oo laga fulinaya Central Park sida xiriirinta biyaha .
Waxaa uu cadeeyay in heshiiska ay wada saxiideen barasaabka Nairobi Johnson Sakaja ay ku caddahay in marka la dhameystiro dayactirka socdo, in goobahan ay si wadajir ah u maareyn doonaan wasaaradda iyo dowladda hoose ee ismaamulka.
Siyaasiyiinta ayuu ku boorriyay in ay raadsadaan goobo kale oo ay dadweynaha kula hadli karaan.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in seeraha Uhuru iyo Central la doonaya in shacabka ay u isticmaalaan in ay ku nastaan una damaashaad tagaan.