Wasiir Ducaale oo iska difaacay eedeyn loo jeediyay

0
258
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka falceliyay eedeyn loo jeediyay .
Shalay ayay ahayd markii siyaasiyiin uu hoggaaminayay senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM , Edwin Sifuna ay wasiir Ducaale ka dalbadeen inuu isku casilo 48 saacadood gudahooda.
Waxay wacad ku mareen in haddii uunan sidaasi sameyn in ay gudbinayaan mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado.
Siyaasiyiintan ayaa wasiirka ku eedeynaya daneysi iyo inuu caqabad ku noqday dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa ka dhex jiro wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Waxay ka dalbadeen inuu qaato mas’uuliyadda la xiriirta in dowladdu ay lacago siisay isbitaallo aan jirin.
Hasa ahaate bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in ay jiraan xildhibaanno ka dalbanaya inuu is casilo balse ay ka xumaadeen in isbitaalladooda ay ka mid noqdeen kuwo laga hakiyay lacagaha caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ka dib markii khiyaano lagu helay.
Wasiirka ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay taageeraan dadaallada lagu maxkamadeynaya oo tallaabo sharciyeed looga qaadaya isbitaalladan.
Sidoo kale waxaa uu cid kasta oo ku eedeynaysa daneysi uu ku xujeeyay in ay soo bandhigto caddeyn ku aaddan inuu leeyahay mise uu agaasime ka yahay xarun caafimaad.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu hor tago guddi kasta oo baarlamaani ah si uu u caddeeyo hantidiisa.