Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa golaha ay ku mideysan yihiin saraakiisha daawooyinka ka bixiya isbitaallada faray inuu kormeer ku sameeyo dhammaan xarumaha caafimaadka.
Tallaabadan ayaa lagu xaqiijinaya in isbitaallada ay u hoggaansamaan xeerarka u degsan.
Waxaa uu golaha ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDC) ku amray in aan leesinka shaqada la siin sarkaal tababar ku qaatay xarun caafimaad oo aan lagu sameyn kormeer dhameystiran.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in ilaalinta hal-beegyada tababarrada ay muhiim u tahay badqabka kenyaanka.
Waxaa uu amar ku bixiyay in kor-joogteynta ka dib, warbixinno faahfaahsan lala wadaago wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Sidoo kale , waxaa uu ku baaqay casriyeynta hannaanka kormeerka waxqabadka dhakhaatiirta si loo cirib tiro khaladaadka dhaca.