Wasiir dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

0
284

Wasiir dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda dalka Soomaaliya, xildhibaan Maxamad Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa iska casilay xilkiisa sida uu ku sheegay qoraal.
Waxaa uu is casilaadiisa sabab uga dhigay, ka dib markii uu sheegay in wasiirka duulista hawada Soomaaliya uu ku tagrifal awoodeed ku hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Qoraal uu isku is casilay oo uu soo dhigay Facebook, ayuu ku sheegay inuu u adkaysan waayay cabashooyin ay u soo gudbiyeen shirkado ruqsad sharci ka haysta wasaaradda, kuwaas oo ka cabanayay wasiirka gaadiidka.
Is casilaadiisa ayaa ku soo beegantay xilli wasaaradda gaadiidka ay soo saartay warqad lagu joojinayo shidaalka shirkad lagu magacaabo Prime Aviation Fuel, shirkadaasi oo shidaalka u keenta diyaaradaha garoonka Aadan Cadde.
Hasa ahaate, warqad kale oo ka soo baxday wasiir dowlaha is casilay ayaa loogu fasaxay shirkaddan shaqadeeda.
Arrintan ayaa muujineysa khilaafka u dhexeya wasiirka iyo wasiir dowlaha.
Hoos ka akhriso iscasilaadiisa