Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya, Dr. Maxamad Axmad Sheekh Cali (Doodishe), ayaa sheegay in dowladda diyaarisay 15 kun oo askari oo ka qayb galaya wajiga labaad ee howlgallada dalka Soomaaliya looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in toddobadii bilood ee ugu dambeysay ay dowladda federaalka ku jirtay diyaarinta iyo qalabaynta ciidamada ka qayb qaadanaya xoraynta dalka.
Sababtaas ayuu ku sheegay midda keentay inuu hakad ku yimaada wajiga 2-aad ee howlgalka.
“7-dii Bilood ee la soo dhaafay dowladda waxaa ay diyaarisay 15 kun oo ciidamo dheeraad ah kuwaas oo hadda badankoodu u baxay furrimaha dagaalka”, ayuu yiri wasiir Doodishe.
Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka Al-Shabaab kula jirto dowladda, inuu yahay dagaal ay ku doonayso in ay ku tirtirto jiritaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed kala dagaalameen dhinaca kaste oo nolashooda ah.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in dowladda ay u istaagtay inay soo afjarto Al-Shabaab, isagoo sheegay in loo qalab qaatay sidii looga xorayn lahaa meelaha kooban ee ay ku harsan yihiin.