Wasiir Alcaddaala: Baarlamaanka Soomaaliya ma noqon doono meel xoog lagu soo gali karo

0
715

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcaddaala ayaa si adag u difaacay go’aanka guddiga doorashada uu ku hakiyay kursiga Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Waxaa uu sheegay in aan cidna laga yeelayn in baarlamaanka Soomaaaliya lagu soo galo awood ciiddan iyo cabsi galin, isagoo sheegay in aysan jirin cid ka sarreysa sharciga.
“Haddii inta la dhinac maro guddiga doorashooyinka heer federaal ee Feit, Seit iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo baarlamaanka lagu soo galo qori, hadde annagu maxaan bannaanka u joognaa?, idinku maxaad bannaanka u joogtaan?” ayuu yiri wasiir Alcaddaala oo ka hadlayay dood looga hadlayay khilaafka arrimaha doorashada.
Alcaddaala ayaa sheegay in waxa kaliya ee uu aaminsan tahay ee saxda ah ay yihiin in kursigaas dib loogu celiyo doorasho, lana mariyo hannaanka saxda ah ee habraaca doorashada.
Waxaa uu intaasi ku daray in baarlamaanka Soomaaliya haddii uu noqdo meel awood lagu soo galo inuusan ahaan karin baarlamaan madax bannaan oo hadhow gaari kara go’aanno masiiriya.