Wasiir Aisha Jumwa oo cambaareysay weerarrada ka dhanka ah haweenka, kuna baaqday baaritaan

0
176

Wasiiradda arrimaha jinsiga Aisha Jumwa ayaa ku baaqday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falalka ka dhanka ah haweenka ee ka dhacay dalka.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay ka go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha fulinta sharciga, si loo hubiyo in kuwa mas’uulka ka ah dembiyadan si dhaqso ah loo horkeeno cadaaladda.
Wasiiradda ayaa ka digtay ceebaynta dhibbanayaasha iyadoo xustay in marka sidaas la sameeyo, dhibbanayaashu ay la kulmaan dhib labalaab ah.
Bayaanka Aisha Jumwa ayaa ku soo aaday iyadoo ay sare u kaceen kiisaska dilalka ka dhanka ah haweenka ee ka dhaca dalka kuwaasi oo la sheegay in rag ay ku dileen goobo gaar ah iyadoo aysan caddeyn xaaladda lagu dilay.