Wasaaradda Waxbarashada ayaa isku dubbarideysa tallaabooyinka la xiriira dhimashada laba macallin iyo hal arday oo ku dhintay shilal gaari oo kala duwan Sabtidii. Shilalkan ayaa ka dhacay ismaamullada Nairobi iyo Nyeri, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo dhowr ah.
Wasiirka Waxbarashada Julius Ogamba ayaa ugu baaqay darawallada inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ay raacaan xeerarka taraafikada si looga hortago shilalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso hay’ado kale oo dowladeed oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Wadooyinka iyo Gaadiidka, Guddiga Adeegga Macallimiinta iyo dowladaha ismaamullada ay dhacdooyinka saameeyeen.
Gaari dadweyne ayaa xaafadda Ngara ee magaalada Nairobi ku jiiray macallimiin ka qeyb galayay doorasho urur macallimiin oo ka socotay dugsiga City Primary School. Hal macallin ayaa ku dhintay goobta, halka mid kale uu ku dhintay isbitaal isagoo dhaawac ah. Ugu yaraan 26 macallin oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana loo qaaday isbitaallo kala duwan.
Dowlad deegaanka Nyeri, hal arday ayaa dhintay ka dib markii gaari iskuul oo siday 25 arday oo ka kala socday dugsiyada Mahehe Friends Academy iyo Aberdare Academy uu ka baxay waddada oo rogmaday. Ardayga ayaa ku dhintay isbitaalka, halka ardayda kale ee dhaawacantay loo qaaday xaruumo caafimaad oo u dhow.
Home Wararka Kenya Wasaaradda Waxbarashadda oo ku baaqday taxaddar ka dib geerida laba macallin iyo...




