Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare

0
219

Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo taliinta sare ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2021/2022.
Wasaaradda ayaa horay ugu diiwaangelisay inay imtixaanka galayaan 34,469 ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.
Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada ardayda gudubtay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay ay yihiin 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka ay imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.
Ardayda sanadkaan ku dhacay imtixaanka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuullada ku yaalla gobolka Banaadir & maamul Goboleedyada ayaa waxaa ay kala joogaan.
1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka, sida.
1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.
2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.
3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.
4 – halka HirShabelle 6 arday ay dhacday.