Wasaaradda tacliinta oo soo bandhigtay qorsho ku kacaya 5.2 Tiriliyoon oo shilin

0
364

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maanta xarunta dugsiga dowladda ee KSG ku soo bandhigtay qorshaha qaran ee istaraatiijiga ee arrimaha tacliinta.
Nidaamkan oo ah midkii afaraad ayaa waxaa ay dhaqangelintiisa socon doontaa muddo 5 sano.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa qorshahan soo bandhigay wuxuuna sheegay in ay ku baxaysa ilaa 5.2 Tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu xusay in dowladda sare ay bixin doonto 3.47 Tiriliyoon oo lacagtan ka mid ah halka 1.55 Tiriliyoon laga heli doono saaxiibbada dalka ee dhanka horumarka.
Waxaa uu daneeyayaasha waxbarashada ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan sidii qorshahan looga dhabeyn lahaa.
Waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in la dhiso fasallo gaaraya 16,000.
Sidoo kale waxaa la shaqaaleysiinaya 116,000 oo macallimiin ah.
Dowladda ayaa qorshaynaysa in ay deegaan baarlamaneedyada dalka ka dhisto machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVET iyo qalabeynta kuwa shaqeynaya.
Sidoo kale waxaa la howlgelin doonaa 2,000 oo ah barayaasha xarumahan.
Waxaa uu qorshahan wasaaradda u fududeynaya in ay xaqiijiso in dhammaan ardayda ay helaan waxbarasho iyo tababarro ay u siman yihiin oo tayo leh.
Sidoo kale waxaa uu wanaajinaya maamulka iyo isla xisaabtanka dhanka tacliinta.