Wasaaradda tacliinta oo digniin ka soo saartay akoon been abuur ah

0
255

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dadweynaha uga digaysa akoon been abuur ah oo barta Twitter-ka looga furtay magaca wasiirka wasaaradda Ezekiel Machogu.
Waxay wasaaraddu sheegtay in bartan lagu faafiyo warar aan sax ahayn sidaas awgeedna dadweynaha laga doonaya inaynan ku dagman.
Qoraalka waxaa ku cad in bartan la furtay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore 2022 oo ay ku xiran yihiin 399 qof.
Kennedy Buhere oo wasaaradda tacliinta ee dalka u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa sheegay in wasiir Machogu uu leeyahay akoon Twitter oo rasmi ah oo ay gacanta ku hayso wasaaradda.