Wasaaradda tacliinta oo amar cusub siisay saraakiisha ku matalo ismaamullada

0
318

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada dalka Dr. Belio Kipsang ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu saraakiisha wasaaradda ku matalo gobollada , ismaamullada iyo deegaan baarlamaneedyada wadanka ku amray inay tallaabo ka qaadaan maamulayaasha dugsiyada ee ardayda weydiinaya lacago ka badan qiimaha ay dowladdu jaangoysay.
Waxaa uu agaasimayaasha ku amray inay si degdeg ah baaritaano ugu sameeyaan cabasho ka timid waalidiinta.
Kipsang ayaa carrabka ku adkeeyay in waalidinta laga dalbanaya inay lacago dheeraad ah bixiyaan marka ay carruurtooda dugsiyada geynayaan , soo iibinta kuraasta ardayda iyo qarashaadka qadada.
Arrimahan ayuu xusay inay yihiin kuwo baal marsan xeerarka loo dejiyay maamulka dugsiyada dowliga ah.