Wasaaradda maaliyadda oo ismaamullada ku wareejisay 31 bilyan

0
276

Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayaa ismaamullada ku wareejisay lacag dhan 31 bilyan oo shilin oo ah dhaqaalihii ay dowladda sare siin lahayd bishii koowaad ee sanadkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada ee CoG Anne Waiguru.
Waxaa la filayay in bishii Jannaayo ay dowladda dhexe ismaamullada gaarsiiso 125 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate iyadoo uu jiro gaabad dhanka miisaaniyadda oo dhan 94 bilyan oo shilin ayay madaxda dowlad deegaannada walaac ka muujinayaan inay aad u adkaatay in bulshada loo fidiyo dhammaan shaqooyinka la daadajiyey.
Waiguru ayaa hoosta ka xarriiqday in wasaaradda maaliyadda aynan weli soo saarin lacagihii ay ismaamullada qaadan lahaayeen bilihii labaad, saddexaad iyo bishan afaraad.
Waxay intaasi ku dartay in culeyska dhaqaale ee ay wajahayaan awgeed in xita aan hadda la adeegsan qaar ka mid ah baabuurta dowladaha hoose ee ismaamullada si loo yareeyo qarashaadka ku baxaya shidaalka.
Tani ayaa keentay in qaar ka mid ah howldeennada caafimaadka ay ku hanjabaan inay shaqo joojin guda galayaan.