Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa ku guulaysatay in la siiyo amaah lacageed oo gaaraysa 70 bilyan oo shilin una dhiganta 500 oo milyan oo doolar.
Waxaa bixinta amaahdan iska kaashanaya ilaa shan deyn bixiyaal oo heer caalami ah.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa dhameystirka mashaariicda horumarineed uu uu hakadka ku yimid.
Amaahdan ayaa qayb ka ahayd 84 bilyan oo ay Kenya raadsanaysay sanad maaliyadeedkan.




