Wasaaradda maaliyadda iyo xildhibaannada oo ka heshiiyay CDF

0
270

Ka dib ismari waa’ taagnaa labo cisho oo ku saabsanaa in wasaaradda maaliyadda ee dowladda dhexe aynan soo saarin lacagaha horumarinta deegaannada ee NG-CDF ayaa ugu dambeyn shalay arrintaasi laga heshiiyay.
Waxaa is afgarad gaaray xildhibaannada baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula uu kala dhexdhexaadiyay mudanayaasha iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u.
Xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa walaac ka muujinayay in lala soo daahay bixinta 44 bilyan oo shilin oo loogu tala galay deegaan baarlamaneedyada.
Isniintii ayay ahayd markii in ka badan 300 oo xildhibaano ah oo uu Mombasa uga furmay shir la qorsheeyay inuu socdo shan cisho ay kulanka iskaga baxeen iyagoo dalbanaya in lacagta la soo saaro ka hor inta uunan tababarku sii socon.
Wetangula ayaa maanta sheegay in wasaaradda maaliyadda ay bixisay 4 bilyan oo ay lacag dheeraad ah rajeynayaan toddobaadka dambe.
Guddoomiyaha guddiga lacagahan ee baarlamaanka Musa Sirma ayaa sheegay in marka la gaaro isbuuca dambe ay heli doonaan ilaa 10 bilyan.