Wasiirradda wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa shaacisay inuu qorshuhu yahay in Isniinta soo socoto ee 13-ka bishan la abuuro 500 oo milyan oo geedo ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in maalinkaasi loo aqoonsaday fasax qaran ay tahay mid la jaanqaadeysa qorshaha dowladda ee muddo 10 sano gudaheeda ah lagu beeraya 15 bilyan oo geed.
Arrinkan ayaa lagu wadaa in laga dhabeeyo sanadka 2032-ka.
Soipan Tuya ayaa intaasi ku dartay in hadda la beeraya nus bilyan iyadoo marka ay billowdaan roobabka muddo dheer soconaya la abuuri doono hal bilyan oo kale.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu haleelo bartilmaameedsiga dowladda Kenya ee ah in sanad kasta la beero 1.5 bilyan oo geedo ah.
Dadaalladan ayaa la doonaya in lagu yareeyo saameynta ka dhalatay isbeddelka ku yimaada cimillada.