Wasaaradda caafimaadka ee Rwanda ayaa ka digtay suurtagalnimada korodhka ee caabuqa Covid-19 iyadoo dalku uu ka gudbayo xilli roobaadka una gudbaya xilliga qalalan.
Qoral ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X Wasiirka Caafimaadka ee Rwanda Dr. Sabin Nsanzimana ayaa sheegtay in hargabka, Covid-19 iyo duumada ay yihiin qaar ka mid ah cudurrada ay tahay in shacabka Rwanda ay ka warqabaan muddadan.
Nsanzimana ayaa sidoo kale ka digtay suurtagalnimada cudurka duumada oo kordho inta lagu jiro muddadan, iyadha oo ugu baaqday dadka inay baabi’iyaan goobaha kaneecada ayna taxadar sameyaan.
Bayaan ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka 6-dii bishan June ayaa lagu sheegay in kiisaska Covid-19 ay ku sii kordhayaan adduunka oo dhan.
WHO ayaa waxaa ay kula talisay dhammaan waddamada “inay feejignaadaan” oo ay sii wadaan habka wanaagsan ee lagu maareyo Covid-19.