Wasaaradda caafimaadka Qaza oo sheegtay in 64 carruur ah lagu dilay Nuseirat

0
431

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 64 carruur ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarkii ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat.
Sidoo kale waxaa shakhsiyaadka la dilay ka mid ahaa 57 haween ah iyo waayeello gaaraya 37.
Tirada guud ee duqeyntaasi ku dhimatay ayaa ah 274 halka 798 kale oo Falastiiniyiin ah la dhaawacay.