Wasaaradda caafimaadka oo tallaalka ka dhanka ah Dabeysha ka billowday Waqooyi Bari

0
216

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ka billowday olole tallaal oo ka dhan ah cudurka Dabeysha.
Tallaalkan ayaa ah wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadka ee dalka ay tallaalkan daahfurtay waxaana lagu bartilmaameedsanaya ilaa 10 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Wareegga saddexaad ee tallaalka dabeysha ee la siinaya carruurta ay da’doodu tahay 5 sano iyo wixii ka hooseeya ayaa si rasmi ah u billowday shalay wuxuuna socon doonaa ilaa 31-da bishan koowaad.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladdu shaacisay in ujeedka tallaalkan uu yahay inay ka faa’iidaystaan 7.4 milyan oo carruur ah.
Tallaalka oo ay iska kaashanayaan wasaaradda caafimaadka ee dalka , Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF iyo ururrada kale ee caafimaadka ayaa markii hore lagu bartilmaameedsanayay ismaamullada Nairobi, Kiambu, Garissa, Kajiado, Tana River, Wajeer, Mandera, Machakos, Lamu, Kajiado iyo Kitui .
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Patrick Amoth ayaa sheegay in sanad kasta ay gudaha wadanka u dhashaan 1.5 milyan oo carruur ah balse boqolkiiba 3 ee tiradan aan tallaal la siin.