Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in sigaarka iyo tubaakada aan lagu xayaysiin karin baraha bulshada

0
445

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay in badeecooyinka sigaarka iyo tubaakada lagu xayaysiiyo baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa waaxda xakameynta isticmaalka tubaakada ee wasaaradda caafimaadka Dorcas Kiptui oo wareysi gaar ah siisay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii Kenya laga mamnuucay in tubaakada iyo sigaarka lagu suuqgeeyo warbaahinta .
Hasa ahaate Kiptui ayaa hoosta ka xarriiqday inay jiraan shirkado baraha bulshada ku xayaysiiya badeecooyinkan si ay uga iibiyaan macaamiisha in kastoo sida ay hadalka u dhigay ay qabatin leeyihiin.
Waxay tusaale u soo qaadatay in baraha Facebook iyo Instagram ay yihiin baraha ay shirkadahan si wayn u adeegsadaan.