Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in deymaha NHIF ay ahaayeen 10 bilyan

0
618

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aaden Barre Ducaale ayaa deymaha lacageed ee nidaamkii hore ee caymiska caafimaadka ee NHIF ku sheegay 10 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu ka soo hormuuqday guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in golaha wasiirrada ee dalka uu go’aamiyey in mudnaanta la siiyo bixinta deymaha ka hooseeya 10 milyan oo shilin oo ay isbitaallada ku yeesheen NHIF.
Wasiirka ayaa xusay in la sameyn doono xaqiijin dhameystiran ka hor inta aan lacagahan ay isbitaallada ku sheeganayaan NHIF aan la siin.