Wasaaradda caafimaadka oo maro kaneecooyin gaarsiin doonto 22 ismaamul

0
269

Waxaa uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan 11-aad ay wasaaradda caafimaadka ee dalka billowdo in maro kaneeco gaaraysa 15.3 milyan loo qaybiyo 23 milyan oo qof oo ku nool 22 ka mid ah ismaamullada wadanka ee uu ku badan yahay cudurka duumada ama malaariyada.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay xoghayaha joogtada ah ee waaxda faya dhowrka Mary Muthoni .
Ololaha ayaa ah mid la doonayo in boqolkiiba ugu yaraan 75 la yareeyo heerka malaariyada ee gudaha dalka.
Ismaamullada barnaamijkan laga fulin doono ayaa kala ah Kisumu, Siaya, Busia, Migori, Kisii, Nyamira, Lamu, Kilifi, Tana River, Kwale, Mombasa, Taita-Taveta Vihiga, Homabay, Bungoma, Kakamega West Pokot, Turkana, Trans-Nzoia, Narok, Baringo iyo Kirinyaga.
Macluumaadka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa muujinaya in inta u dhexeysa boqolkiiba 13 ilaa 18 ee dadka bukaan socodka ah ee tago isbitaallada dowladda ay raadsadaan daryeel ka dhan ah duumada.