Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa sheegtay in cudurka kansarka uu yahay xanuunka labaad ee loogu dhimashada badan yahay gudaha Kenya marka laga soo tago cudurrada saameeya wadnaha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in sanad kasta la diiwaangeliyo 27, 000 oo ah dhimashooyin la xiriira kansarka.
Waxay intaasi ku dartay in noocyada kansarka ee ugu saameynta badan ay yihiin kuwa ku dhaca naaska iyo minka dumarka.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay ku sugnayd deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu.
Waxay halkaasi ka billowday ololaha qaran ee wacyigelinta ka dhanka ah kansarka saameeya minka oo socon doono muddo bil ah.
Wasiiradda caafimaadka ayaa ku baaqday in xilli hore isbitaallada la tago oo la iska baaro kansarka si ay hoos ugu dhacdo tirada dadka ee sanad waliba ugu geeriyoodo dalka.



