Wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay muhiimadda ka hor tagga cudurrada

0
360

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in sida habboon loo maareeyo wasaqda si looga hor tago cudurrada ku faafo biyaha iyo nadaafad darrada.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa sheegtay in maadaama weli ay jirto saameynta ka dhalatay daadadka iyo roobabka culus ee da’ay in dowladda iyo saaxiibbada horumarka ay arrintan si dhow isaga kaashanayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in lagu dadaalaya sidii ay biyo nadiif ah ku heli lahaayeen 7.3 milyan oo kenyaan ah.
Dhanka kale, wakiillada boqortooyada Ingiriiska, Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF iyo kuwo kale ayaa booqday qoysaska ay daadku ku barakiciyeen xaafadaha Huruma iyo Mathare ee ismaamulka Nairobi waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dowladda Kenya garab buuxa ku siiyaan taageeridda barakacayaasha gudaha.
Wasaaradda caafimaadka ee wadanka ayaa horay u shaacisay in ugu yaraan 44 ka mid ah kiisaska cudurka daacuunka laga soo tabiyay ismaamullada Tana River iyo Marsabit .
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa ismaamulladan ka wado barnaamijyo looga hor tagaya in cudurka daacuunka uu sii faafo.
Roobabka culus ee da’ay iyo fatahaadaha ka dhashay ayaa saameeyay in ka badan 286,000 oo qof.
Waxaa guriyahooda ka barakacay ugu yaraan 56, 367 oo qoysas ah iyadoo la diiwaangeliyay ugu yaraan 267 kiis oo dhimasho ah.
Dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in ay 22 ismaamul ka hirgelisay xerooyinka barakacayaasha gudaha ee loo yaqaano IDPs oo gaaraya 167.
Waxaa xerooyinkan ku jira ilaa 70, 451 qof.