Wasaaradda caafimaadka oo billowday olole qaran oo ka dhan ah daacuunka

0
352

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa billowday olole qaran oo ka dhan ah cudurka daacuunka.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda fayadhowrka ,Mary Muriuki ayaa sheegtay in ololahan laga fulin doono 8 ka mid ah ismaamullada wadanka oo halis sare ugu jiro daacuunka.
Meelaha laga fulinaya ayaa kala ah deegaanka Koonfurta Suba ee ismaamulka Homa Bay, Bariga ismaamulka Kajiado , magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, deegaannada Kamukunji iyo bartamaha Embakasi ee ismaamulka Nairobi, Deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Wajeer, deegaanka Bariga Mandera ,Machakos iyo Garissa.
Xoghayaha ayaa sheegtay in wixii ka horreeyay 18-kii bishii Toddobaad ee sanadkan , gudaha wadanka laga diiwaangeliyay kiisaska cudurka daacuunka oo gaaraya 11,181.
Waxaa xanuunkan u dhintay 196 qof oo ka mid ahaa shacabka 26 ismaamul.