Wasaaradda caafimaadka Kenya oo sheegtay in ku dhawaad 840,000 oo ah tallaalka AstraZeneca ay dhaceen

0
641

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ku dhawaad 840,000 oo ah kuuro ama dose ee daawada tallaalka nooca loo yaqaano Astrazeneca aan hadda la isticmaali karin, ka dib markii ay dhaceen.
Tallaalkan oo horraan dalka soo gaaray ayaanan la adeegsan.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in dawooyinka ay dhaceen sidaasi darted ay tahay in la tuuro.
Waxaa ilaa hadda tallaalka Covid19 ee guud ahaan dalka qaatay dadweyne dhan 17,374,904.
Dr. Mercy Mwangangi ayaa Kenyaanka aan qaadan tallaalka ku boorrisay qaadashada dawooyinka ka dhanka ah fayraska corona.