Saraakiisha sar sare ee wasaaradda caafimadka ayaa shir albaabada u xiran yahay la galay mas’uuliyiinta ururka ay ku mideysan yihiin isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay si loo xalliyo ismaandhaafka keenay in qaar ka mid ah isbitaallada ay joojiyaan adeegyada ay siinayeen bukaanada isticmaalo kaarka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Isfahan waaga ayaa yimid ka dib markii NHIF ay jareen lacagta dhakhaatiirta, halka isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ay ku eedeynayaan NHIF inay dhibaateynayaan bukaanada.
Waxay dalbadeen in mudda kordhinta qandaraasyada la siiyo xarumaha caafimadka ka hor inta aysan billaabin wax shaqo ah.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda caafimadka ee dalka Mutahi Kagwe, xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda Dr. Mercy Mwangangi, madaxa NHIF Dr. Peter Kamunyo iyo qaar ka mid ah saraakiisha madaxa fulinta isbitaallada sida gaarka loo leeyahay.
Ururka isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee gudaha dalka ee magacooda loo soo gaabiyo KPHA ayaa jimcihi ku hanjabay inaysan u adeegeynin bukaannada adeegsanaya caymiska qaran ee caafimadka NHIF laga billaabo 1-da bisha labaad oo maanta ku beegan.
Xoghayaha Ururka KPHA Dr. Timothy Olweny ayaa sheegay in qandaraaska cusub lagu degdegay iyadoona lahayn wakhti ku filan oo lagu akhriyo taasina ay saameynyso dhaqan gelinteeda.
Waxa uu sheegay in qandaraaska sanadka 2022-2024, aysan wali arkin, aragtida mas’uuliyiinta isbitallaada gaarka ah aan la raadin islamarkaana aysan u cuntameynin waxa ku xusan qandaraaska la faafinayo.
Hasa ahaate dhinacyadan ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in lagu sii shaqeeyo qandaraaskii hore iyadoo heshiis cusub la gaari doono bisha Toddobaad ee sanadkan.
Is-afgaradkan ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro walaac ay kenyaanka isticmaalo caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF ka muujinayeen in laga billaabo maanta aan looga adeegin isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.