Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo war ka soo saartay dilal ay Israa’iil gaysatay

0
130

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 28 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarro ay Israa’iil Arbacadii ka gaysatay dhanka Koonfureed.
Waxay intaasi ku dartay in ugu yaraan 77 ruux oo dheeraad ah la dhaawacay.
Meelaha ay Israa’iil bartilmaameedsatay waxaa ka mid ah aagga al-Mawasi oo u dhow magaalada Khan Younis.
Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa weeraray isgoys ku yaalla Shujayea ee Bariga magaalada Qaza oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo dhisme ku yaalla xaafadda Zeitoun .