Wasaaradda biyaha oo digniin u dirtay qandaraasleyda

0
258

Wasaaradda biyaha ee dalka ayaa digniin u dirtay qandaraasleyda iyadoo ka dalbatay inay dhameystiraan mashaariicda loo igmaday.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo nadaafadda Dr. Paul Ronoh ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Machakos sheegay in dowladda dhexe ay lacago badan ku bixiso fulinta mashaariicda biyaha.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah qandaraasleyda ay wakhti badan ku qaataan inay dhameystiraan howlaha loo xil-saaray.
Waxaa uu xoghayaha xusay inay jiraan mashaariic biyo oo uu hakad ku yimid ,kuwo gabogabo ku dhow iyo kuwa aynan dhaweyn in la dhameystiro sidaas awgeedna ay qandaraasleyda ka dalbanayaan inay dardargeliyaan dhammaan barnaamijyada ay gacanta ku hayaan.
Xoghayaha ayaa sheegay in xaaladda aynan sidii hore ahaan doonin isagoo intaasi ku daray in qandaraaslayaasha qaarkood ay iskaga tageen mashaariicda ka dib markii lacago la siiyay halka qaar kalena ay maxkamadda geeyeen dacwado sida uu hadalka u dhigay aan ku saleysnayn tabashooyin qiil leh.
Dr. Paul Ronoh ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ay guud ahaan wadanka ka sameyn doonto kormeeridda mashaariicda biyaha oo qandaraaslihii la ogaado in sabab la’aan uu dib u dhigay dhameystirka mashruuca lala xisaabtami doono.
Sidoo kale waxaa uu qandaraasleyda uga digay inay sameyaan shaqooyin tayo ahaan hooseeya.
Waxaa uu xoghayaha wacad ku maray in bixinta qandaraasyada laga mamnuuci doono dadka kordhiya qiimaha lagu fulinaya mashruuca.