Wasaaradda beeraha oo xaqiijisay in Ruushka uu dalka soo gaarsiiyay bacrimin

0
240

Wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixinno la faafiyay oo sheegayay in aan meel lagu ogeyn bacrimin ay dowladda Ruushka ugu deeqday Kenya.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay in bacrimintan lagu wareejiyay guddiga qaran ee kaydinta dalagyada ee (NCPB).
Guddigan ayay dowladdu u xil saartay inuu beeralayda gaarsiiyo bacriminta.
Jawaabta ay bixisay wasaaradda arrimaha beeraha ee dalka ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in la waayay 564 taan oo bacrimin ah oo uu Ruushka ku wareejiyay Kenya.