Iyada oo maanta loo dabaal degaya sanad guuradii 58-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay Kenya qaadatay madax bannaanida ayay wasaaradda arrimaha gudaha dadweynaha ku boorrisay in ay midnimo muujiyaan.
Wasaaradda ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in halyeeyadii u soo dagaalamay xornimada ay ka mideysnayeen hiigsigoodii ahaa in wadanka uu qaato madax bannaani.
Waxaa qoraalka ku cad in shakhsiyaadkan aynan halgankoodi ku saleyn qabiil iyo kala duwanaansho dhaqameed.