Wasaaradda arrimaha gudaha oo beenisay in maanta ay tahay fasax qaran

0
352

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bisha Tobnaad ay tahay maalin fasax ah oo ay dadka ka nasanayaan shaqooyinkooda.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay qoraal la faafiyay oo lagu sheegayo in maanta ay tahay maalin fasax ah.
Kenyaanka ayay wasaaraddu ku boorrisay inay iska indha tiraan qoraalka faaliska ah.
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay dabbaal degga Hindida ee Diwali Festival ayay dowladdu caddeysay inuunan jirin fasax qaran.
Tallaabadan oo kale ayay horay u qaaday sanadihii 2019 iyo 2021.