Wasaaradda arrimaha gudaha oo amartay in shacabka ay ka baxaan meelo ka tirsan Rift Valley

0
337

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shacabka ku nool meelaha ay burcadda ku dhuumaaleystaan ee Waqooyiga gobolka Rift Valley u qabtay muddo 24 saacadood ah oo ay halkaasi uga baxayaan.
Waxaa uu sheegay in goobahan ay yihiin kuwo laga gaysta falal dambiyeedyo sidaas awgeedna marka la gaaro berri abaare 8:30 subaxnimo cidii meelahaasi lagu arko loo aqoonsanaya inay qayb ka tahay falalka burcadnimo.
Wasiirka ayaa xusay in 24 saacadood ka dib la guda galaya wajiga labaad ee howlgalka amni ee ka dhanka ah burcadda.
Meelaha uu Kindiki doonaya in dadweynaha ay ka wareegaan waxaa ka mid ah Ltungai Conservancy, Longewan, Nasuur, Lochokia Lekadaar ,Lolmolok Caves, Pura Valley, Malaso Escarpment iyo dooxada Suguta ee ismaamulka Samburu
Sidoo kale Kapelbok, Nakwamoru, Lebokat, Ombolion, Nadome iyo Kamur oo ka tirsan Turkana iyo goobo kale.
Ismaamullada Turkana, Samburu, Laikipia, West Pokot, Elgeyo Marakwet iyo Baringo ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howgallada amni ee ay iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo militariga dalka.