Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei ayaa cadeeyay in gudaha Kenya aynan ku yaallin safaarad ay leedahay Somaliland.
Waxaa uu sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya sidaasina uu u aqoonsan yahay Midowga Afrika oo ay Kenya xubin ka tahay.
Xoghayaha ayaa xusay in Somaliland ay Kenya ku leedahay xafiis loogu talagalay isku xirka arrimaha ganacsiga oo uunan halkan safiir ku matalin.
Waxaa uu ka jawaabayay qoraal uu soo saaray guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi oo ahaa inuu xafiiskiisa ku qaabilay sida uu qoraalka u dhigay safiirka Somaliland ee Kenya Dr. Maxamad Axmad Maxamuud oo ay ka wada hadleen arrimaha ay labada dhinac iska kaashan karaan.
Hasa ahaate xogyaha ayaa Kingi xusuusiyay in siyaasadda dibadda ay ka mid tahay shaqooyinka golaha fulinta ee dowladda dhexe sidaasi awgeedna mas’uuliyiinta baarlamaanka laga doonayo inay keliya ku koobnaadaan kormeeridda howlaha dowladda iyo xeer dejinta.
Home Wararka Kenya Wasaaradda arrimaha dibadda oo cadeysay in Somaliland aynan safaarad ku lahayn Kenya