Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo difaacday qorshaha booliiska lagu geynaya Haiti

0
415

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa difaacay qorshaha ay Kenya qaar ka mid ah ciidamadeeda booliiska ku geynaysa wadanka Haiti
Mudavadi ayaa xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen meesha ka saaray walaaca laga qabo in saraakiisha ammaanka ee dalka ay waxyeello ka soo gaarto howlgalka nabad sugidda ee ay ka qayb galayaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada uu hagi doono nidaam dhanka nabad sugidda ah oo ay dejisay qaramada midoobay kaasi oo lagula tacaalaya dhammaan tabashooyinka jira.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa tilmaamay in saraakiisha ay u hoggaansami doonaan siyaabo aad looga baaran degay oo lagula dagaallamaya kooxaha hubeysan ee rabshadaha ka wada Haiti.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgalka uu yahay mid lagu fidinaya taageero amni oo ay dhici karta in saraakiisha iyo kooxaha burcadda ah uunan dhex marin iska hor imaad toos ah.
Musalia Mudavadi ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo karaanka ciidamada nabad sugidda ee dalka oo uu sheegay in ay horay uga soo howlgaleen waddamada Namibia, Kosovo, Somalia , Sierra Leone iyo DRC Congo.
Qorshaha qaar ka mid ah booliiska Kenya lagu geynaya Haiti ayuu ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo loo tababaray.

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa laga soo xigtay in saraakiisha lala wadaagaya macluumaad la xiriira sida ay xaaladdu noqon karto iyo falcelinta laga doonaya.