Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo xaalado cusub shaacisay

0
365

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay laga baaray cudurka dad ay tiradoodu gaarayso 3,410, waxaana laga helay xanuunka 323 qof oo dadkaas ka mid ah kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka ee Soomaaliya.
Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaay kala joogaan, Soomaaliland 241 qof, Puntland 48 qof, Jubbaland 18 qof , Koonfur Galbeed 12 iyo Banaadir iyo deegaanada maamulka Galmudug ayaa laga diiwaangeliyay min 5 qofood.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 187 Rag ah iyo 136 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 15 Ruux, iyadoo ay ka soo bogsadeen 110 qof saacadihii ugu danbeeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.
Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 20,900 xaaladood 1,152 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 9,815, kuwaasoo ku kala sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka dowlada Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada iyo ka guulasiga cudurka.